Till innehåll på sidan

Waxaad qayb ka tahay difaaca madaniga ah

Bulshadeena oo dhan iyo cid kasta oo ku nool Iswiidhan waxay kamidyihiin difaacyadeena madaniga ah. Hadii xoriyadeena iyo dimoqraadiyadeena ay halis gasho, waxaan u baahanahay inaan is caawino si aan u ilaalino una difaacno qaab nololeedkeena.

Maamulada, degmooyinka, gobolada, shirkadaha, ururada iskaa wax u qabso iyo culimaa'uddiinka dhamaantood waa qayb ka mid ah difaaca madaniga ah, sida qof kasta oo ku nool dalkeena. Shabakadda difaaca madaniga ah waxay sidoo kale ka hadleeysaa dhammaan hawlaha muhiimka ah ee ka jirta bulshada waana inay shaqeeyaan xitaa inta lagu jiro xaalad feejignaan sare leh iyo dagaal. Tusaale ahaan, daryeelka caafimaadka, gaadiidka, daryeelka carruurta iyo waayeelka, sahayda cuntada iyo adeegyada degdegga ah.

Qof walba waa loo baahan yahay

Difaaca militariga, oo ay ku jiraan ciidamada qalabka sida iyo ilaalada guriga, ayaa difaacaya dhulka iyo xuduudaha Iswiidhan. Difaaca madaniga ah iyo difaaca militariga ayaa si wada jir ah u sameeya nidaamka difaaca guud ahaan. Si difaacyada ciidanku u shaqeeyaan muddo dheer, bulshada rayidka ahi waxay u baahan yihiin inay yeeshaan awood iyo adkaysi. Nidaamkeena difaaca guud waa wax walba oo aan sameyno si aan u awoodno inaan wajahno weerar militari.

Iswiidhan waxaan leenahay adeeg ciidan. Taas macnaheedu waxa weeye in qof kasta oo da'diisu u dhaxayso 16 ilaa 70 jir loogu yeeri karo si uu u caawiyo siyaabo kala duwan haddii dagaal dhaco. Waajibkaan wuxuu khuseeyaa xitaa haddii aadan ahayn muwaadin Iswiidhish ah. Haddii aadan haysan tababar ciidan, waxaad caawin kartaa difaaca madaniga ah meelaha ciwitaan looga baahdo.

Si firfircoon uga qayb qaado

Waxaan u baahanahay inaan ilaalino oo difaacno nabadda, xorriyadda iyo dimuqraadiyadda maalin kasta. Siyaabo kala duwan ayaad uga qayb qaadan kartaa, tusaale ahaan adiga oo ku biiraya urur difaac iskaa-wax -uqabso ah oo hawlo gaar ah ka haya qaabka adeegga milatariga. Waxa kale oo jira ururo kale oo badan oo aan faa'iido doon ahayn kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha ku saabsan amniga iyo u diyaargarowga.

Waxa kale oo aad isku diyaarin kartaa guriga toddobaad si' adiga iyo kuwa aad jeceshahay aad ula qabsataan haddii adeegyada bulshadu u shaqayn waayaan sidii aan horey uga baranay. Inta lagu jiro xiisadaha iyo dagaalada, way adkaan kartaa in la helo labadaba biyaha iyo cuntada, shabakadda korontada ayaa dami karta oo internetka ayaa joogsan kara. Haddii aad u diyaar garowdo, waxa aad wax ku kordhinaysaa dalka guud ahaan in aad si fiican ula qabsan karto xaalad adag.

rabitaanka wax ku biirinta

Xaaladda ammaanku waa mid aan la hubin oo ay adag tahay in la saadaaliyo. Kala hadal deriskaaga, asxaabtaada iyo saaxiibadaada wixii aad wada qaban kartaan nolol maalmeedka si aad ugu diyaargarowdo haddii ay wax dhacaan. Haddii Iswiidhan ay a siibto dhibaato bulsheed ama haddii ay nala kulmaan weeraro khatar ku ah hab-nolol maalmeedkeena, waxaan u baahannahay inaan isku nimaadno, isticmaalno xooggeenna gudaha oo aan u istaagno midba midka kale iyo qiyamka aan rabno inaan ilaalino.

Awoodeena inaan iska kaashano oo aan is caawino marka ay wax na khatargeliyaan waa mid ka mid ah hantidayna ugu muhiimsan haddii ay dhacdo xaalad noocaas ah.

Su'aalaha iyo Jawaabaha inta badan la is weydiiyo

  • Waa maxay sababta macluumaadkani hada u soo baxayaan?

    Waxaa jira sababo badan. Duullaankii Ruushka ee Yukrayn wuxuu horseeday xaalad siyaasad amni oo khatar ah. Ciidamada qalabka sida ee Iswidhan ayaa qiimeeya khataraha ku wajahan Iswidhan, waxaadna ka akhrisan kartaa macluumaad badan oo dheeri ah oo ku saabsan sida ay xaaladda u qeexayaan halkan.

    https://www.forsvarsmakten.se/sv/var-verkehsamt/forsvarsmakten-i-sverige/sakerhetslaget-i-naromradet/

    Xaalada siyaasadda amniga waxa ay muhiim ka dhigtay in si degdeg ah loo hagaajiyo difaaca guud ee Iswidhan, hadii ay dhacdo ta ugu xun aana u baahano in aan ka hortagno weerar hubaysan. Bishii Maarso ee sanadkan ayay Dawladu waxay u wakiilatay MSB sii xoojinta difaaca madaniga ah. Qayb ka mid ah taasi waa kordhinta adkeysiga dadka iyo rabitaanka ah in ay naftooda difaacaan. Maalgelinta macluumaad ee aan hadda samayneyno waa in ay wax ku darto taas un. Xagaagii tagay. Waxaanu samaynay maalgashi tan la mid ah anagoo diirada saarnay diyaarsanaanta dadka ee guyahooda.

  • Maxaan u baahanahay inaan sameeyo?
    • Waa in aad u diyaargarowdo in hadii dhibaato ama dagaal dhaco aysan wax walba u shaqeyn doonin sidii caadiga ahayd. Nolol maalmeedka ayaa wuxuu noqon karaa mid aad u adag. U fiirso xaaladahayaga oo ka fikir sida ay saameyn ugu yeelan karto adiga iyo kuwa aad jeceshahay iyo sida aad isu diyaarin kartaan.
    • Hubi in uu diyaar kuu yahay adeega todaba cisho. Waxyaabaha ugu muhiimsan waa cuntada, biyaha la cabo, kululeyaha, iyo in aad awood u leedahay helida macluumaadka muhiimka ah. Markaa ayuu nolol maalmeedkaagu sii shaqayn kartaa xitaa waqtiyada qalalaasaha ama dagaalada adigo caawinaya dalka.
    • La hadal agagaarkaaga kugu dhaw, ma jiraa qof u baahan taageero yar oo dheeraad ah hadii ay dhacdo in bulshadu ay soo wajaho cadaadis xoogan? Xiliyada qalaalasaha iyo dagaalada, waxaan u baahanahay wadashaqeyn. Si la mid ah intii lagu jiray aafada xanuunada faafa, markii nalaga caawin jiray soo adeegashada.
    • Haddii aad walaacsantahay - la hadal dadka kale. Waydii su'aalahaaga qoyskaaga, asxaabtaada dhexdooda, deriskaaga, dugsiga, goobta shaqada, ama ururka dhexdiisa. Ururadda aad horay uga mid ahayd waxay noqon karaan shabakado xiriir wanaagsan lagu sameyo marka uu jiro qalaalaso ama dagaal.
    • Noqo mid kala socda wixii soo kordha ilo lagu kalsoonyahay tusaale ahaan Krisinformation.se, laakiin ha ogalaan in tabinta wararku si buuxda kuu saamayso. Uheelanow sidoo kale sameynta waxyaabaha maalinlaha ah iyo waxyaabaha aad ku raaxaysato.
    • Ka digtoonow wararka been abuurka ah iyo wararka kutir kuteenta ah. Ha faafin macluumaad aanad garanayn inay run yihiin, ama aanad garanayn cidda ka dambaysa.
    • Naftaada mashquuli. Ku biir urur si iskaa wax u qabso ah u dooda, ama urur kasta oo kale oo la shaqeeya amaanka iyo diyaargarawga, weydii su'aalo ku saabsan diyaargarowga ururkaaga guryeynta, oo kala hadal deriskaaga, asxaabtaada, qaraabadaada, iyo saaxiibadaada sidii loola tacaali lahaa walaacyada daran, si wadajir ah.
    • Wax ka baro guud ahaan waajibaadka difaaca oo dhamaystiran iyo waxa loola jeedo.
  • Waa maxay doorkaygu?

    Qof kasta oo da'diisu u dhaxayso 16 ilaa 70 sano jir, oo degan Iswidhan waxa uu ku qasban yahay adeeg ciidan oo buuxa, waxaana loogu yeedhi karaa kaalmooyin kala duwan hadii uu dagaal dhaco. Hadii aad leedahay aqoon ciidan, waxaad heli kartaa door aad kaga dagaalantid gudaha ciidamada qalabka sida. Hadii kale, doorkaagu wuxuu noqon karaa inaad tagto goobtaada caadiga ah ee shaqada ama aad ka caawiso hawlaha kale ee difaaca madaniga ah, iyada oo ay ku xiran tahay xirfadahaaga.

  • Waa maxay rabitaanka difaacashadu?

    U diyaargarowga inaan difaacno waxay ku saabsan tahay rabitaanka iyo ku adkaysiga go'aanka ah inaan difaacno oo aan ilaalinno wadankeena iyo qiyamkeena asaasiga ah, sida dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka - xitaa haddii ay la macno tahay u hurista waxyaabo adag. Rabitaanka iyo u diyaargarawga in la difaacdo waa tiirka sida xoogan ee uu wadan ku dhisan yahay. Marka ay wax halis ah soo wajahdo Iswidhan, waa inaan midownaa oo aan muujinnaa awoodeena.

  • Waxaan walwalaa markaan maqlo qalalaasaha iyo dagaallada.

    Waanu fahamsanahay taas. Waa wax iska caadi ah in la dareemo walaac marka dunida dibadu ay u muuqato mid cabsi leh oo aan la saadaalin karin. Laakin adigoo u ogolaanaya inuu walwalku isu baddelo ficil firfircoon, waxaad dareemi kartaa inuu sahlanyahay. Dib u eeg diyaargarowgaaga guriga, kala hadal dadka kale fikradahaaga iyo dareenkaaga oo si wadajri ah u sameeya wax si aad u xoojiso adkeysigaaga. Walaacu sidoo kale wuu ina ilaaliyaa, oo wuxuu inaga caawiyaa inaan feejignaano. In aan in yar ka taxadarno oo aynaan ogolaan in nafteena si sahal ah loo saameeyo, tusaale ahaan wararka been abuurka ah iyo wararka ku turi kuteenta ah. Waa qayb muhiim ah oo ka mid ah adkaysiga dalka oo dhan.

  • Maxay MSB qabataa si ay u kordhiso adkeysiga dadka ee dhibaatooyinka iyo dagaalada?

    MSB waxa ay horumarisaa shaqada u diyaargarowga qalalaasaha Iswidhan iyo difaaca madaniga ah. Kordhinta adkeysiga dadka marka ay wajahayaan dhibaatooyinka iyo dagaalada ayee qayb muhiim ah ka tahay shaqadan. Waxaan tan ku sameynaa, waxyaabo kale duwan

    • Boga website-ka ee Krisinformation.se
    • Warqadaha boostada ee sanadlaha ah ee loo diro dadka ku jira adeegga buuxa ee milatariga.
    • Buug yaraha ”Hadii uu dhaco qalaalase ama dagaal”
    • Todabaadka sanadlaha ah ee u diyaargarawga xasaradaha ee dalka oo dhan.
    • Dadaalka warbaahineed ee joogtada ah ee kanaalada la daabaco iyo kuwa dijitaalka ah.
    • U xilsaarida machadyada difaaca iskaa wax u qabsada ah si ay koorsooyin u siiyaan dadweynaha.

Senast granskad: 10 november 2022

Till toppen av sidan