Waxaanu nahay hay'ad dawladeed oo diyaargarowga qaabilsan taas oo bulshada ka caawisa inay wada shaqeyso marka ay wax dhacaan. Waxaanu caawimo bixinaa waqti kasta habeen iyo maalinba. Waxaanu sidoo kale bulshada ka caawinaa waxbarashada, tababarada, talobixin, taageero dhaqaale iyo sharciyada, tusaale ahaan, sida maadooyinka khatarta ah loo maareeyo. Markaas ayay bulshadu noqon doontaa mid ka sii xoog badan, ka ammaan badan oo si ka fiican uga awood badan inay maareyso shilalka, masiibooyinka iyo dagaallada.
Waxaynu wada shaqaynaynaa marka ay wax dhacaan
Marka ay wax dhacaan, waa in ururada kala duwan ee bulshadu ay wada shaqeeyaan. Waxaanu tusaale ahaan la shaqaynaa degmooyinka, gobolada, maamulada gobolada iyo hay'addaha kale. Waxaanu sidoo kale hubinaa inay iyagu wada shaqeyn karaan. Marka ay wax dhacaan ayaanu waqti kasta habeen iyo maalinba caawinaa. Waxaanu ku caawinaa khubaro, shaqaale ama agab sida tuubooyinka dabka ama mooska daadka.
Marka ay wax dhacaan, ayay muhiim tahay in dhamaan la wada helo macluumaad la sugay. Waxaanu leenahay dhowr bog oo internetka oo kala duwan iyo baraha bulshada halkaas oo aanu kaga hadalno waxa dhacay iyo waxaad sameyn karto.
Waxaanu wax ka baranaa waxa dhacay
Shil ama masiibo kadib, waxa muhiim ah in la ogaado waxa dhacay oo aynu taas wax ka barano. Waxaanu taas ku sameynaa, tusaale ahaan, cilmi-baaris, tirakoob iyo qiimeyn.
Waxaanu bulshada ka caawinaa inay kaga sii fiicnaato maareynta shilalka, masiibooyinka iyo dagaallada.
- Waxaanu hay'adaha kale duwan siinaa talooyin ku saabsan sidii ay uga fikiri lahaayeen ee ay u samayn lahaayeen si ay bulshadu ugaga si wanaagsanaato maareynta masiibooyinka iyo dagaallada.
- Waxaanu talo siinaa dadka Iswiidhan deggan, tusaale ahaan in la soo saaro buug-yaraha "Haddii masiibo ama dagaal uu dhaco". Waxay khuseysaa sidii aad qof rayid ah ahaan u fikirayso iyo waxa aad sameynayso si aad gacan uga geysato si ay bulshadu uga si wanaagsanaato maareynta masiibooyinka iyo dagaallada.
- Waxaanu ka sii wanaajinaa amniga internetka, waxa taas loola jeedaa amniga macluumaadka dhijitaalahaaneed.
- Waxaanu mas'uul ka nahay sugida nidaamyada isgaarsiinta si ay ha'yadahu ugu wada hadli karaan oo ay macluumaad ugu wadaagi karaan iyada oo aanay cid aan ogolaansho u haysani ogaanin waxa aynu ka wada hadlayno.
- Waxaanu caawinaa adeegyada gurmadka degdega ah iyo tababarida shaqaalaha dab-demiska.
- Waxaanu sidoo kale caawinaa wadamada kale si loogu hubiyo in aanay shilal dhicin.
Waxaanu ka shaqeynaa meelo kala duwan
Waxaanu nahay ku dhawaad 1,200 oo qof oo MSB ka shaqeeya. Waxaanu joognaa Karlstad, Kristinehamn, Stockholm, Sandö, Revinge iyo Rosersberg. Madax/sheef-kayaga ama agaasimaha guud sida kale ee loo yaqaanno waxa soo magacaaba dawlada.