Farsamada dijitaalka waxaynu ka helnaa adeegyo maad iyo faa'iido leh oo nolol-maalmeedkeena daruuri u ah, hase ahaatee wuxuu naga dhigi karaa dad u nugul tusaale ahaan weerarro saybereed (cyber attacks) oo kharibaya nidaamyada IT-ga muhiimka ah ama khaa’inno doonaya inay macluumaadka adiga kuu gaarka ah gacanta ku dhigaan. Waxaad gacan ka geysan kartaa xoojinta awoodda Iswiidhan ee iska caabbinta adigoo macluumaadka u maareeya hab nabadda sugaya, guriga iyo shaqada labadaba.
Dhowr talo:
- Samayso fureyaal sir ah oo dheer oo ka kooban xuruufo, lambarro iyo summado isku dhex jira.
- Ha gujin hana furin lifaaqyo ama linkiyo la socda e-mail ama sms, haddaadan garanayn cidda kuu soo dirtay.
- Isla markiiba kombiyuutarkaaga ku rakib cusbooneysiinnada barnaamijyada amnisugidda.
- Xogtaada ugu muhiimsan koobi ka samee oo ku kaydi tusaale ahaan Hard Drive dibadeed, USB ama mid ka mid addeggyada daruuraha (cloud).
Khayaanooyinka Internetka
Inta badan, khaa'innadu waxay ku dabajiraan xog ay dabadeed u isticmaali karaan si ay kombiyuutarkaaga gudihiisa u galaan, lacag ka xadaan akoonkaaga ama iyagoo iska dhigaya inaad adiga tahay dad kale khayaamaynaya. Inta badan, waxay isku dayayaan inay karkabo ku geliyaan, si ay kaaga kasbadaan inaad u dhaqanto hab aadan u dhaqmi lahayn haddaad heli lahayd wakhti aad ku fekerto. Waxaa jira talooyin fudud oo wax ku ool ah oo aad raaci karto si aad si nabadgelyo leh ugu jirto Internetka:
- Feker – u kuurgal wacitinku ama farriintu inay ahaayeen wax la filayay, inaad alaab dalbatay ama inaad hadda ka hor macluumaadkaaga xiriirka u dhiibtay qofkaan ama ururkaan. Hadday jawaabtu maya tahay ama haddaadan hubin, yara taxaddar.
- Log-in ha samayn – weligaa ha ku gelin goob Internet ammar qof ku soo wacay, oo marnaba qof ha u oggolaan inuu kombiyuutarkaaga masaafo ka hago. Bangiyada, maammullada iyo shirkadaha sumcadda leh weligood kulama soo xiriiri doonaan si ay kaaga dalbadaan inaad goob Internet ku gasho aqoonsigaaga elektaroonigga ah ama si ay kuu weydiiyaan fure ama kood kuu sir ah.
- Telefoonka xir – Hadduu qof kuu soo waco dalab ama weydiin degdeg ah, ku dhig telefoonka.
- Ha bixin – faahfaahin kaadh, xog kuu gaar ah, fureyaal iyo koodad kuu sir ah waxay ka mid yihiin macluumaadka kuugu muhiimsan, marnaba ha siin qof kula soo xiriiray.
- Ha gujin – taxaddar haddad hesho mail ama sms laguugu boorrinayo inaad linki gujiso oo aad bixiso macluumaad ay ka mid yihiin koodad, fureyaal iyo xog kuu gaar ah. Ma jiraan wax bangiyo, maammullo ama shirkado sumcad leh ah oo soo dira farriimo noocaas oo kale ah. Haddii fayl uu wehliyo farriin aadan filanayn oo laguu soo diray, ha furin.