Buugga yar ee Haddii xaalado adag ama dagaal uu yimaado
Buugga yar ee Haddii xaalado adag ama dagaal uu yimaado wuxuu ku saabsanyahay sidii aan si wanaagsan ugu diyaar garoobi laheyn, haddii aan nahay dadka ku nool Iswiidhan, caqabadaha ka imaan kara haddii ey ahaan lahaayeen shilal khatar badan xambaarsan, cimillada hawada oo aad u xumaada, weerar xagga teknaloojiyadda ah ama dagaal milateri.
Waa maxay sababta ey warbixintaan muhiim u tahay?
Warbixintaan waxey muhiim u tahay si aad adiga mas’uuliyadaada uga soo baxdid iyo in aad ogaatid sida ey bulshada u shaqeyso. Haddii aad tahay qof wax ogaal ah oo diyaarsan waxaad caawin kartaa dadka kale haddii ey wax dhacaan. Mas’uuliyadda ammaanka waddanka Iswiidhan iyo heegan u galiddeeda waa mid wadareed oo saaran dadka halkan degan oo dhan.
Meel loogu tala galay Macluumaadka lasoo xaqiijiyay
Markii ugu dambeysay ee buugga yar lasoo diray waxey aheyd muddadii uu socday dagaalkii qaboobaa, sanadkii 1991. Markaas cinwaanka wuxuu ahaa ” haddii uu dagaal dhaco”. Waagii dambe warbixinta waxey ku taallay buugga/kataloogga taleefannada.
Om krisen eller kriget kommer : somalisk version
Publikationsnummer: MSB1219
Utgivningsår: 2022
Broschyren skickas ut till 4,8 miljoner hushåll i Sverige i samband med kampanjen Krisberedskapsveckan, den 28 maj – 3 juni 2018. Syftet med informationen är att vi ska bli bättre förberedda på följde...
Senast granskad: 8 Bisha Kow iyo Tobnaad 2021